"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Image

ISTANBUL - Garsooraha caanka ah ee Omar Artan (Cumar Cartan), oo qorshuhu ahaa inuu noqdo garsoarihii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo dhexhexaadiya ciyaaraha Koobka Adduunka, ayaa sheegay in loo diiday inuu galo dalka Mareykanka, isagoo muddo 11 saacadood ah lagu wareystay Garoonka Caalamiga ah ee Miami.

Cumar Cartan oo wareysi siiyay wargayska The New York Times isagoo ku sugan dalka Turkiga, ayaa sheegay in saraakiisha xuduudaha ee Mareykanka ay wax ka weydiiyeen sababta uu u safray Mareykanka, siyaasadda Soomaaliya, iyo kooxda hubaysan ee Al-Shabaab.

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay. Laakiin, intaas ka dib waxaa la geliyay qolka dadka lagu hayo, waxaana dib loogu celiyay diyaarad u socotay magaalada Istanbul, oo ahayd halkii uu markii hore ka soo duulay.

Cartan ayaa u sheegay NYT in aan la siinin wax sabab ah oo ku saabsan sababta loo diiday, isagoo carabka ku adkeeyay inuu watay dal ku-galka (fiisaha) iyo dukumentiyadii saxda ahaa.

"Waxaan ahay uun garsoore isku dayaya inuu rumeeyo riyadiisa—riyadii ugu weynayd ee noloshayda, oo ahayd inaan imaado Koobka Adduunka," ayuu yiri Cartan. "Waxaan u malaynayaa inay dhibaato ku qabaan dalkayga (Soomaaliya)."

Dhanka kale, Hay'adda Ilaalada Xudduudaha iyo Kastamka Mareykanka (CBP) ayaa sheegtay in Cartan loo diiday gelitaanka dalka sababo la xiriira "baaritaanno dhanka amniga ah" (vetting concerns), balse ma aysan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan waxa ay ragaadinayaan dareenkooda amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM