Baashe Yuusuf oo sheegay in Xasan Sheekh uu khatar geliyey amnigiisa
MUQDISHO – Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay inuusan ammaan ku dareemayn magaalada Muqdisho, isagoo Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu khatar ku yahay amnigiisa, kaddib markii maxkamaddu go'aan ka gaartay muddo-xileedka madaxweynaha.
Baashe Yuusuf oo Sabtidii shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in amnigiisa uu halis ku jiro, isla markaana uusan isku hallayn karin inuu si nabad ah ugu noolaado caasimadda dalka.
“Ma dareemayo inaan ammaan ku joogo caasimadda Soomaaliya. Amnigayga waxaa khatar ku haya madaxweynaha ay maxkamaddu xukuntay in muddo-xileedkiisu dhammaaday,” ayuu yiri Baashe.
Hadalkan ayaa imaanaya kaddib markii Xasan Sheekh Maxamuud uu Arbacadii xilka ka qaaday Baashe Yuusuf, tallaabadaas oo muran xooggan ka dhalisay hay'adaha garsoorka iyo madaxtooyada.
Shan garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa markii dambe soo saaray go'aan ay ku sheegeen in muddo-xileedka madaxweynaha uu dhammaaday, wax-ka-beddelladii dastuurkana aysan sharci ahayn, isla markaana uusan madaxweynuhu lahayn awood sharci ah oo uu xilka kaga qaado guddoomiyaha maxkamadda.
Go'aanka maxkamadda ayaa sii huriyey khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowladda, iyadoo wararku sheegayaan in ciidamo ay la wareegeen xarunta Maxkamadda Sare ee Muqdisho.
Baashe Yuusuf iyo shanta garsoore ee go'aanka soo saaray ayaa la sheegay inay la kulmeen cabsi amni, kaddib markii laga qaaday ilaaladii gaarka ahayd ee loo xilsaaray sugidda ammaankooda.
Warbixintu waxay sheegaysaa in guddoomiyaha iyo shanta garsoore ay tan iyo markaas magangelyo ka heleen hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Baashe ayaa su'aal geliyey sida shacabka Soomaaliyeed ay ammaan ugu dareemi karaan Muqdisho, haddii mas'uuliyiinta ugu sarreeya dowladda aysan awoodin inay helaan amni iyo ilaalin ku filan.
Wuxuu sidoo kale isweydiiyey sida mas'uuliyiinta ka yimaada gobollada kale ee dalka ay ammaan uga heli karaan caasimadda, haddii xitaa garsoorayaasha dalka ay wajahaan xaaladdan.
“Muqdisho maanta waxaa ammaan ku dareemi kara oo keliya dadka hubka sita,” ayuu yiri guddoomiyihii Maxkamadda Sare.
Inkasta oo uu sheegay inuu wajahayo xaalad amni oo adag, Baashe Yuusuf ayaa muujiyey rajo ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu rajeynayo in maalin uun dalka ay ka hirgasho caddaalad, ayna dadka hubka sita iyo kuwa aan hubka haysan si siman sharciga hortiisa ugu wada istaagaan.
Khilaafka hadda taagan ayaa salka ku haya fasiraadda dastuurka, muddo-xileedka hay'adaha dowladda iyo isbeddellada dastuuriga ah ee uu taageeray Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxtooyada Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeymaha Baashe Yuusuf ee ku saabsan khatarta amni ee uu sheegay inuu wajahayo.
GAROWE ONLINE