Namibia oo si adag uga soo horjeesatay taageerada Jarmalka ee xasuuqa Qasa

Image
Madaxweynaha Namibia ayaa ku baaqay inaan la iska indha tirin xasuuqa ay Israa’iil ku hayso shacabka Qasa.

Windhoek (GO) - Dowladda Namibia ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay si kulul ugu dhaleeceysay taageerada Jarmalka ee xasuuqa ay Israa’iil ku hayso shacabka aan waxba galabsan ee Qasa.

Bayaanka dowladda ayaa lagu yiri: “Jarmalku waxa uu Dhulka Namibia ka gaystay xasuuqii ugu horeeyay qarnigii labaatanaad laga bilaabo 1904 ilaa 1908, halkaas oo tobanaan kun oo Namibia ah oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen.”

Namibia ayaa sidoo kale dhaleeceysay dhaqanka uu Jarmalka u leeyahay taageerada xasuuqyada, iyo in aysan wax ka baran taariikhdeeda, sida ku xusan bayaanka, “Dawladda Jarmalka waxay ku guuldarraysatay in ay si buuxda uga garbaxdo xasuuqii ay ka geysatay Namibia.”

Waxaa intaas lla raaciyay, “Sidaa darteed, marka la eego sida Jarmalku u awoodi waayey inuu wax ka barto taariikhdiisa foosha xun, madaxweynuhu wuxuu muujinayaa sida uu uga xun yahay go’aankii ee ay shalay ku dhawaaqday dawladda Jarmalka.”

Madaxweynaha Namibia Geingob ayaa ku celiyay baaqii uu jeediyay December 31, 2023, in wadamada Caalamku ay iska indha tirin xasuuqa ay Israa’iil ku hayso dadka rayidka ah ee Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM