Natiijada baaritaanka weeraradii 9/11 oo la faafinayo

Image
Tallaabadan ayaa imanaysa maalmo ka hor sannad-guuradii 20-aad ee weeraradaas ay ka dambeysay shabakada Al-Qaacida.

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Joe Biden, ayaa faray Waaxda Caddaaladda iyo hay'adaha kale inay bilaabaan hannaan lix bilood ahoo dadweynaha lagula wadaagayo dukumentiyada la xiriira baaritaannada FBI-da ee ku aaddan weeraradii 11-kii September 2001-dii.

Tallaabadan ayaa imanaysa maalmo ka hor sannad-guuradii 20-aad ee weeraradaas ay ka dambeysay shabakada al-Qaacida iyo bil ka dib warqad adag oo dadkii badbaaday dhacdadaas, shaqsiyaadkii ugu horeeyay ee gurmad iyo xubnaha qoyska ku dhawaad ​​3,000 oo dhibbaneyaal ah ay u direen madaxweynaha.

Mareykanka ayay ku eedeeyeen inuu si ula kac ah u hayo dukumiintiyada-oo ay sheegeen inay caddeynayaan in mas'uuliyiinta dowladda Sacuudiga ay gacan siiyeen dagaalameyaashii falkaas geystay.

Waraaqdooda Ogosto, qiyaastii 1,700 oo qof oo si toos ah u saameeyay weeraradii 11 -kii Sebtember ayaa ugu baaqay Biden inuu ka baaqdo munaasabadda xusuusta toddobaadka soo socda haddii uusan soo saarin dukumiintiyada.

Dagaalameyaasha Al-Qaacida ayaa saddex diyaaradood oo kuwa ganacsiga ah ku burburiyay daaraha mataanaha ah ee Xarunta Ganacsiga Adduunka ee New York iyo Pentagon-ka bannaanka Washington, DC.

Diyaarad afaraad oo la afduubtay oo la rumeysan yahay inay bartilmaameedsaneysay dhismaha Capitol-ka Mareykanka ayaa ku burburtay beer ku taalla Pennsylvania.

Sacuudi Carabiya ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta in uu balaayiin doollarsiiyo qoysaska qiyaastii 2,500 oo ka mid ah dadka la dilay, iyo in ka badan 20,000 oo qof oo ay soo gaareen dhaawacyo, meherado iyo caymisyo kala duwan. Riyadh waxay dhowr beenisay in ay door ku lahayd weeraradaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM