Natiijada tijaabo kale uu Donald Trump u maray Covid-19 oo la shaaciyey

Image

WASHINGTON, US – Donald Trump ayaa laga waayey Covid-19, mana jirto cid kale oo uu qaad-siiyey, sidda uu sheegay dhakhtar Aqalka Cad. Qoraalka wuxuu xusay Madaxweynaha Mareykanka uu caafimaaday caabuqa faafa.

"Waxaan idinla wadaagi karaa in laga waayey, maalmo isku xig-xigay, iyaddoo la adeegsanayo habka cusub ee baaritaanka fayruska," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo Isniintii kasoo baxay hoyga looga arimiyo dalka Mareykanka.

Dhakhtarka ayaa ku adkeystay in shaacintan aysan ahayn mid lagu deg-degay balse ay daaran tahay tijaabooyin dhowr jeer ay sameeyeen.

Ku dhawaaqistan ayaa kusoo hagaageysa xilli Trump uu u socdaalay magaalada Sanford ee gobolka Florida halkaasoo uu kaga qeybgalayo isu soo baxii ugu horeeyay tan iyo markii uu soo ritay safmarka Coronavirus.

Conley oo aan shaacin waqtiga la baarey Trump ayaa ku adkeystay in ay raaceen habraaca saxda ah taasoo muujisay "in madaxweynuhu la nooleyn".

Bishaan October 2-deeda, Trump ayaa ku dhawaaqay in laga helay Covid-19. Isbitaalka milatariga ee Walter Reed oo la dhigay wuxuu kasoo baxay 5-ta October. Kadib markii uu soo baxay, wuxuu ku laabtey Aqalka Cad.

Dhamaadka todobaadkii hore, wuxuu banaanka Aqalka Cad kula kulmay taageereyaashiisa isagoo kasoo hadlayey balakoonka. Dadka naqdinaya waxay ku dhaliileen in uu dhayal-sanayo cudurka uuna halis gelinayo shaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM