Natiijo horudhac ah oo laga helay doorashada Jarmalka

Image
Dalkan ugu dhaqaalaha badan Yurub ayaa sanadka danbe qaban doona xilka madaxweynenimo ee kooxda G7.

BERLIN, Germany — Jarmalka ayaa Isniinta maanta ah galay xaalad siyaasadeed aan hubanti laheyn ka dib markii xisbiga Social Democrats uu si dirqi ah ugu guleystay doorashadii guud ee baarlamaaniga dalkaasi, hase yeeshee waxa uu wajahayaa xisbiga muxaafidka ee ay hoggaamiso Angela Markel oo helay natiijo aad ugu dhow.

Dalkan oo 16 kii sano ee ay hoggaamineysay Markel haystay xasillooni ayaa toddobaadyada iyo bilaha soo socda waxa uu galayaa xaalad adag, iyadoo xidbiga SPD ee uu hoggaamiyo wasiirka maaliyadda Olaf Scholz iyo hogaamiyaha xisbiga conservatives-ka Armin Laschet ay ku loollami doonaan in ay helaan axsaab ay dowlad la dhistaan.

Natiijooyinka hordhaca ah ayaa sheegaya in xisbiga bidixda dhexe ee SPD uu helay 25.7 boqolkiiba, halka xisbiga midigta dhexe ee CDU-CSU ee Markel uu helay natiijadii ugu hooseysay oo ah 24.1 boqolkiiba.

Hoggaamiyaha SPD Olaf Scholz ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu xukuumad isbaheysi ah lasoo dhiso xisbiyada Greens iyo Liberals-ka FPD, isaga oo yiri, in Jarmalka ay go’aansadeen in kadib 16 sano oo xukun ah ay xisbiga Merkel ka dhigaan mucaarad.

Dalkan ugu dhaqaalaha badan Yurub ayaa sanadka danbe qaban doona xilka madaxweynenimo ee kooxda G7 ee ay ku mideysan yihiin dalalka hodanka ah, iyadoo uu u baahnaan doono dowlad awood leh dejinta ajandayaasha caalamiga ah.

VOA

Related Articles

Sheikh Hasina oo sheegtay inay dib ugu laaban doonto Bangladesh xili inkastoo lagu xukumay dil

Waxay sheegtay inay diyaar u tahay in la xiro ama xitaa la dilo marka ay dalka ku laabato.

  • Caalamka

    10-07-2026

  • 12:38PM

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM