Netanyahu: Iran baa ka khatarsan kooxda IS

Image

Sept 30, 2014 (GO)- Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalka Iran uu dunida ku hayo khatar ka badan midda ka iman karta Kooxda IS ee dalka Ciraaq.

Hadalkan ayuu ka sheegay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay isagoo si aad ah u weeraray Madaxweynaha Iran Xasan Ruuxani, kuna tilmaamay mid caalamka afka u macaaninaya hoosna ka wada olole argagixisonimo.

"waa in laga adkaadaa IS, balse in la jebiyo IS Iraana loo ogolaado inay hub nukliyeer ah yeelato waxay ka dhigan tahay in dagaalkii yaraa lagu guuleystey kii weynaana lagu guul daraystay" Netanyahu ayaa sidaas yiri.

Dhanka kale, Wasiirka Arimaha Dibada Israel oo isna New York warfidiyeenka kula hadlay, ayaa sheegay in hadii Iran loo ogolaado haysashada hub nukliyeer ah ay taasi horseedi doonto tartan dhanka nukliyeerka ah oo Bariga Dhexe ka bilowda.

Israel aya cabsi xoogan ka qabta in Iran oo si weyn u taageerta maamullada iyo kooxaha shiicada ah ee ka jira Bariga Dhexe iyo Jaziirada Carabtu yeelato hubka nukliyeerka.

Maraykanka iyo xulafadiisu waxay horay u diideen in Iran qayb ka noqoto isbahaysiga ka dhanka ah IS oo Maraykanku uu hormuud ka yahay, kaddib markii Iran dalbatay inay xulafadaas ku biirto.

Xigasho: Aljazeera/Arabic

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii…

  • Caalamka

    14-02-2026

  • 07:37PM

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM