Netanyahu oo 3 Shardi ku xiray joojinta duulaanka Qasa

Image
Netanyahu ayaa xaqiijiyay in dagaalka marinka Qasa uu qaadan doono waqti dheer.

QASA (GO) - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa dejiyay saddex shardi oo nabadda lagu gaarayo Qasa, ka dib bilooyin uu socday duulaanka Israa’iil ee ka dhanka ah Qasa.

Sida laga soo xigtay “Wall Street Journal”, 3-da shardi ayaa kala ah: in xagjirnimada laga ciribtiro dhammaan bulshada Falastiiniyiinta, burburinta Xamaas, iyo in hub ka-dhigis lagu sameeyo dadka Qasa..

Mar sii horreysay, warbaahinta Israa’iil ayaa baahisay hadal ka soo yeeray Netanyahu in ay socoto dadaallo lagu raadinayo waddamo doonaya in ay martigeliyaan dadka Qasa qaxooti ahaan."

Netanyahu ayaa carabka ku adkeeyay in dagaalka marinka Qasa uu qaadan doono waqti dheer oo uusan dhamaan doonin mar dhaw.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM