Netanyahu oo 3 Shardi ku xiray joojinta duulaanka Qasa

Image
Netanyahu ayaa xaqiijiyay in dagaalka marinka Qasa uu qaadan doono waqti dheer.

QASA (GO) - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa dejiyay saddex shardi oo nabadda lagu gaarayo Qasa, ka dib bilooyin uu socday duulaanka Israa’iil ee ka dhanka ah Qasa.

Sida laga soo xigtay “Wall Street Journal”, 3-da shardi ayaa kala ah: in xagjirnimada laga ciribtiro dhammaan bulshada Falastiiniyiinta, burburinta Xamaas, iyo in hub ka-dhigis lagu sameeyo dadka Qasa..

Mar sii horreysay, warbaahinta Israa’iil ayaa baahisay hadal ka soo yeeray Netanyahu in ay socoto dadaallo lagu raadinayo waddamo doonaya in ay martigeliyaan dadka Qasa qaxooti ahaan."

Netanyahu ayaa carabka ku adkeeyay in dagaalka marinka Qasa uu qaadan doono waqti dheer oo uusan dhamaan doonin mar dhaw.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM