Netanyahu oo gaashaanka ku dhuftey dalab uga yimid dowladda Masar

Image
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay dagaal dheeraad ah.

DOOXA, Qadar - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday hindise ay Masar u soo jeedisay xabbad-joojin muddo gaaban ah oo laga sameeyo Gaza.

In kasta oo inta badan wasiirrada Israa’iil ay taageereen hindisaha Masar, Tel Aviv waxa ay go’aansatay in ay diido heshiiskan, sababo la xiriirta diidmada Netanyahu.

Netanyahu ayaa waxaa la sheegay inuu ku nuux-nuuxsaday in “wada-hadallada ay ku dhici doonaan oo keliya rasaas,” sida uu sheegay Channel 12 ee Israa’iil.

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay, 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen duqayn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay xaafadda El-Raml ee magaalada Tire ee koonfurta Lubnaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Lubnaan.

Tirada dhimashada duqeymaha Israel ee Lubnaan tan iyo 8-dii Oktoobar ee sanadkii hore ayaa gaartay 2,672, iyadoo 12,468 ay ku dhaawacmeen, Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay.

Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhintay 108 kalena way ku dhaawacmeen weerarrada Israa’iil ee ka dhacay Lubnaan Sabtidii, sida ay sheegtay wasaaraddu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM