Netanyahu oo gudaha Qasa kaga dhawaaqay in uu sii wadi doono dagaalka

Image

QASA (GO) - Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa gaaray Marinka Qasa, isagoo ballan qaaday inuu sii wadi doono dagaalka halkaas ka socda.

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahisay muuqaallo muujinaya Netanyahu oo xidhan koofiyadda ciidamada iyo jaakadda aanay xabbadu karin.

Waxaa la sheegay in Netanyahu uu socdaal ku tagay Marinka Qasa, wuxuuna ka dhageystay Saraakiisha warbixinno ku saabsan howlgallada milateri.

Netanyahu waxaa socdaalkan ku weheliyay Lataliyaha Amniga Qaranka Israel Tzachi Hanegbi.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa hadallo uu jeediyay ku yiri: "Waxaan ku dadaali doonnaa inaan soo celinno dhammaan maxaabiista."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM