Netanyahu oo ka hadlay horumarka laga gaaray wadahadaladii XMS iyo Israel

Image
Mareykanka, Masar, Qatar iyo Israel ayaa dhankooda gaaray isfaham ku saabsan "sifada aasaasiga ah" ee heshiiska .

Qasa (GO) - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii sheegay in aysan weli caddayn in wadahadallada socda ay ka soo bixi doonaan heshiis laga gaaro maxaabiista.

Wuxuu intaas ku daray: "Dhammaanteen waxaan ka shaqeyneynaa heshiis aan ku sii deyneyno maxaabiista, laakiin ma dammaanad qaadi karno dhaqan galkiisa."

Ra'iisul wasaaraha ayaa diiday inuu faahfaahin ka bixiyo halka uu marayo heshiiskan, laakiin wuxuu sheegay in Xamaas ay tahay inay aqbasho xal macquul ah.

"Markii aan bilowno howlgalka Rafah, waxaan toddobaadyo naga xigi doonaa guul dhameystiran." ayuu raaciyay.

Dhanka kale, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka Jake Sullivan ayaa Axaddii sheegay in Mareykanka, Masar, Qatar iyo Israel ay gaareen isfaham ku saabsan "sifada aasaasiga ah" ee heshiiska maxaabiista oo horseed u noqon kara in lagu dhawaaqo xabbad-joojin ku meel gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM