Netanyahu oo ku tilmaamy Shuruudaha XMS ee heshiiska Xabadjoojinta kuwoo xasuuq u horseedaya Yahuudda

Image
Netanyahu wuxuu ku sheegay in uu jiro wadaxaajood ay garwadeen ka yihiin wadamo dhowr ah.

Qasa (GO) - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay inuu diiday dalabaadka Xamaas ee heshiiska Xabadjoojinta, isagoo ku nuux-nuuxsaday inuu doonayo inuu gabi ahaanba baabi'iyo ururkaas.

Netanyahu wuxuu ku sheegay shir jaraa'id uu maanta qabtay in uu jiro wadaxaajood ay garwadeen ka yihiin dhowr wadan oo dhex dhexaadiyayaal ah, balse aan wadaxaajoodkaas waafaqsaneen dalabaadka ay soo jeediyeen Xamaas.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la sii wado cadaadiska militari ee lagu haaayo Xamaas oo aan la isku dhiibin dalabaadka ay soo jeediyeen sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu hadalkiisa ku daray in aqbalka dalabaadka Xamaas uusan horseedi doonin xoreynta dadka Maxaabiista ah ay gacanta ku hayaan, laakiin waxay horseedi doonta xasuuq hor leh oo loo gaysto shacabka Israa’iil.

GaroweOnline.

 

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM