Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran
QUDUS — Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa Arbacadii shaaciyay in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu booqasho qarsoodi ah ku tagay dalka United Arab Emirates islamarkaana uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Imaaraadka, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan (MBZ), xilli uu socday dagaalkii u dhexeeyay Israa’iil iyo Iran.
Bayaan kasoo baxay xafiiska Netanyahu ayaa lagu sheegay in kulankaasi uu horseeday “horumar taariikhi ah” oo ku saabsan xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo Imaaraadka, waxaana uu noqday kulankii ugu horreeyay ee si rasmi ah loo xaqiijiyo oo dhex mara labada hoggaamiye.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Netanyahu iyo Sheikh Mohammed bin Zayed ay ku kulmeen magaalada Al-Ain ee ku dhow xadka Cumaan 26-kii Maarso, halkaas oo wada-hadalladoodu ay socdeen saacado badan.
Sidoo kale, ilo ku dhow arrinta ayaa sheegay in Agaasimaha hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, Dedi Barnea, uu ugu yaraan labo jeer booqday Imaaraadka intii uu socday dagaalka Iran si loo isku dubbarido howlgallo militari. Wargeyska The Wall Street Journal ayaa ahaa warbaahintii ugu horreysay ee baahisa xogta booqashooyinkaasi.
Imaaraadka ayaa xoojiyay xiriirka uu la leeyahay Mareykanka iyo Israa’iil kadib weerarradii kaga yimid Iran intii uu socday dagaalka. Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.
Safiirka Mareykanka ee Israa’iil, Mike Huckabee, ayaa Talaadadii sheegay in Israa’iil ay Imaaraadka u dirtay nidaamyada difaaca cirka ee Iron Dome iyo shaqaale ka hawlgeliya si looga hortago weerarrada gantaallada.
Intii uu socday dagaalka, Iran ayaa weerarro ku qaaday qaar kamid ah dalalka Khaliijka, iyadoo Imaaraadka uu kamid noqday meelihii sida weyn loo bartilmaameedsaday. Weerarradaasi ayaa la sheegay inay waxyeello gaarsiiyeen xarumo rayid iyo kaabayaal tamareed.
Imaaraadka ayaa kamid ah xarumaha ganacsiga iyo maaliyadda ugu muhiimsan Bariga Dhexe, waxaana uu xiriir dhow la leeyahay Mareykanka. Dowladda Abu Dhabi ayaa sannadihii dambe qaadatay siyaasad dibadeed oo firfircoon, iyadoo saameyn ku yeelatay gobolka Bariga Dhexe iyo qaar kamid ah Afrika.
GAROWE ONLINE