Netanyahu oo u digay Xamaas & dadka ku dhaqan Qassa

Image

QUDUS - Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta sheegay in dagaalka Marinka Qassa “uu qaadan doono waqti,” wuxuuna wacad ku maray inuu wax ka bedeli doono Bariga Dhexe.

Netanyahu ayaa hadalkaan ka sheegay kulan oo la yeeshay madaxda golayaasha deegaanka ee Israa’iil, siiba deegaanada ay Xamaas iyo kooxaha Falastiiniyiinta ay weerar ku qaadeen..

Waxa uu yiri: "Hoggaankiina aad ayuu u xooggan yahay maalmahan adag. Waqti ayay qaadan doontaa, waxaana loo baahan yahay mawqif adag in aan qaadano.

Netanyahu ayaa raaciyay: "Waan ogahay inaad soo marteen waxyaabo aad u xun oo adag," Wuxuuna u hanjabay uruka Xamaas, isagoo sheegay in "waxa aad mari doontaan waxa ay noqon doontaan wax adag oo laga argagaxo."

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM