Netanyahu oo u digay Xamaas & dadka ku dhaqan Qassa

Image

QUDUS - Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta sheegay in dagaalka Marinka Qassa “uu qaadan doono waqti,” wuxuuna wacad ku maray inuu wax ka bedeli doono Bariga Dhexe.

Netanyahu ayaa hadalkaan ka sheegay kulan oo la yeeshay madaxda golayaasha deegaanka ee Israa’iil, siiba deegaanada ay Xamaas iyo kooxaha Falastiiniyiinta ay weerar ku qaadeen..

Waxa uu yiri: "Hoggaankiina aad ayuu u xooggan yahay maalmahan adag. Waqti ayay qaadan doontaa, waxaana loo baahan yahay mawqif adag in aan qaadano.

Netanyahu ayaa raaciyay: "Waan ogahay inaad soo marteen waxyaabo aad u xun oo adag," Wuxuuna u hanjabay uruka Xamaas, isagoo sheegay in "waxa aad mari doontaan waxa ay noqon doontaan wax adag oo laga argagaxo."

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM