Netanyahu oo wajahayo maxkamadeyn musuq-maasuq la xiriirta

Image
Dacwaddan ayaa soo jiitamaysay muddo sanado ah.

TEL AVIV (GO) - Maxkamadaha Israa’iil ayaa u fariisan doona dhageysiga dacwad ka dhan ah ra'iisul wasaare dalkaas Benjamin Netanyahu, oo wajahaya dhaleeceyn xooggan oo ku aaddan sida uu u maamulay dagaalka Qasa.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in dhageysiga dacwadda Netanyahu ay dhici doonto inkastoo ay ku soo beegmeen xilli dagaal lagu jiro.

Iyaga oo soo xiganaya Xeer-ilaalinta Guud ee Israa'iil, warbaahinta Israel ayaa sheegay in 3 kalfadhi la qaban doono toddobaadka soo socda ka dib laba bilood oo dhagaysigu hakad ah.

Dacwaddan ayaa soo socotay muddo sanado ah, iyadoo lagu eedeeyay Netanyahu inuu si sharci darro ah adeegyo u siiyay shirkad warbaahin ah si ay uga faafiyaan warar wanaagsan isaga iyo xaaskiisa Sarah.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM