Netflix iyo TikTok oo adeegyadooda ka joojiyey gudaha Ruushka

Image
Isbedelka ayaa yimid markii madaxweyne Vladimir Putin uu xoojiyey hawlgallada ka dhanka ah warbaahinta

BEIJING, China - Shirkadaha waaweyn ee kala ah Netflix iyo TikTok ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen inta badan adeegyadooda gudaha Ruushka iyadoo dowladdu ay ka hortageyso waxa dadka iyo warbaahinta ay ka dhihi karaan dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Netflix ma aysan sheegin Axadii sababta ay ugu dhaqaaqday talaabadan lama filaanka ah, marka laga reebo in ay sheegtay waxay ka tarjumaysaa "xaalado dhulka ka jira".

Shirkadda oo war-saxaafadeed kooban soo saartey saacadihii lasoo dhaafay ayaa horay u sheegtay inay diidi doonto in hawada laga sii daayo TV-ga dowladda Ruushka.

TikTok ayaa dhankeeda waxay xustey in macaamiisheeda Ruushka ee adeegsada barahooda bulshada ee caanka ah aysan awoodi doonin inay soo dhigaan muuqaallo cusub ama durdurro toos ah.

"Sidoo kale, ma awoodi doonaan inay arkaan muuqaallada lagala wadaago meelo kale oo adduunka ah," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaanka kasoo baxay shirkaddan.

Isbedelka ayaa yimid markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu xoojiyey hawlgallada ka dhanka ah warbaahinta iyo shakhsiyaadka ku guul darraystay inay suuliyaan khadka Kremlin ee dagaalka, oo xannibay Facebook iyo Twitter.

Sharciga cusub ee "warar been abuur ah", oo ay si deg deg ah u aqbaleen labada aqal ee baarlamaanka uuna saxiixey Putin, ayaa ku soo rogaya xukun xabsi ilaa 15 sano ah kuwa faafiya macluumaadka ka soo horjeeda sheekada dowladda Ruushka ee dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM