New York: Adaanka Salaada Jimcaha oo kor loo qaadi doono

Image

WASHINGTON, Mareykanka - Duqa magaalada New York Eric Adams ayaa saxiixay wareegto ogolaanaysa in Adaanka laga maqlo cod baahiyeyaal dibadda ah inta lagu salaada Jimcaha iyo Maqribkii bisha Ramadaan.

Adams waxa uu shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in masaajidadu hadda kor ugu qaadi karaan Adaanka wakhtiyada la soo sheegay iyaga oo aan ogolaansho hore soo codan, si uu u oofiyo ballamihiisii ​​doorashada, isaga oo carabka ku adkeeyay xaqa ay muslimiintu u leeyihiin xoriyada cibaadada.

Wareegtada waxaa ka mid ah oggolaanshaha in xarumaha ay dowladda hoose ee New Work leedahay loo qoondeeyo karo goobo saalaada lagu tukado.

Adams ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay shalay:

“Waxaa jiray jahawareer ku saabsan bulshooyinka loo oggolaaday inay isticmaalaan cod-baahiyeyaasha dibadda ah, maanta waxaan si cad u sheegaynaa in aan loo baahneyn fasax in la qaato si Adaanka Salaada jimcaha kor loogu qaado."

Adams waxa uu tilmaamay in Islaamku – sida diimaha kale – uu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqanka New York, iyada oo ay masaajidda si weyn uga caawiyaan la dagaallanka dambiyada iyo soogalootiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM