New Zealand: Weerar toorey oo lagu dhaawacay lix qof

Image
Ra'iisul wasaare Jacinda Ardern ayaa sheegtay in dhacdadan ay ahayd "weerar argagixiso".

WELLINGTON, New Zealand - Booliiska New Zealand ayaa toogasho ku dilay "xagjir rabshado wadday" ka dib markii uu tooreey ku dhaawacay ugu yaraan lix qof dukaan weyn oo ku yaal magaalada Auckland.

Ra'iisul wasaare Jacinda Ardern ayaa sheegtay in dhacdadan ay ahayd “weerar argagixiso” oo uu fuliyay muwaadin u dhashay Sri Lanka oo ay boolisku ilaalinayaan.

Ninkan oo aan si rasmi ah loo shaacin magaciisa, ayaa ahaa taageere kooxda argagixisada ah ee Daacish (IS), ayay tiri. Booliska ayaa ninkaasi ku dilay 60 ilbidhiqsi gudahood markii uu dhacay weerarka Jimcihii.

Ms Ardern ayaa shir jaraa'id ku tiri "Waxa maanta dhacay waa wax laga yaqyaqsoodo, waa nacayb iyo wax khalad ah. Waxaa fuliyay shaqsi aanan lahayn iimaan".

Lixda qof ee dhaawacmay, saddex ka mid ah ayaa xaaladoodu aad u liidataa midna xaaladdiisu aad baa looga sii dayrinayaa, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadku.

"Shaqaalaha isbitaalku waxay samaynayaan wax walba oo ay noloshooda ku badbaadin karaan," ayuu duqa magaalada Auckland, Phil Goff, u sheegay BBC.

Wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyey: "Dhammaanteen waan ka argagaxnay waxa dhacay. Laakiin ... caddaaladda ayaa si degdeg ah ugu timid dembiilaha".

Ninka weerarka geystay oo aan la shaacin karin magaciisa sababo la xiriira amarro kasoo baxay maxkamadda, ayaa yimid New Zealand bishii Oktoobar 2011. Wuxuu noqday shaqsi halis ku ah amniga qaranka 2016-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM