Niger oo aqbashay dhexdhaxaadinta Aljeeriya oo doonaysa inay xaliso xiisada ka taagan

Image

ALJEERIYA - Dowladda Aljeeriya ayaa Isniintii ku dhawaaqday in ay jawaab ka heshay taliska milatariga ee Niger oo sheegaya in ay aqbaleen hindiseheeda dhexdhexaadinta ah ee lagu soo celinayo dalka Niger nidaamka dastuuriga ah.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya ayaa lagu yiri: “Aqbalitaankan wuxuu xoojinayaa in xal siyaasadeed lagu dhameystiro xiisadda Niger wuxuuna fududeynaya in lagu soo afjaro dhibaatadan hab nabadeed, si loo ilaaliyo danaha Niger iyo gobolka oo dhan."

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha dalkaas Abdelmadjid Tebboune uu arrintan u xilsaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Attaf.

Wasiirka ayaa lagu amray sida ay wasaaraddu sheegtay in uu si degedeg ah uga safro Dalka Niger, si uu kulamo kula qaato dhinacyada ay khusayso, kana wada hadlaan siyaabaha loo dhaqaajin lahaa dhaxdhaxaadinta Aljeeriya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM