Nin "isku qarxin rabay" afaafka Congress-ka oo xabsi la dhigay

Image
Image
Image
Latuhunsanaha oo haatan xabsi ku jira ayaa Facebook Live ka sheegay damaciisa is-miidaaminta.

WASHINGTON, USA - Booliiska xarunta baarlamaanka Mareykanka ayaa xiray eedeysane la sheegay inuu ku hanjabay inuu bam ku qarxin doono meel u dhow dhismaha kadib is-mari-waa saacado qaatay oo dhacay Khamiistii.

Taliyaha booliska Capitol-ka, Johnson Thomas Manger, ayaa magaca ninka la tuhunsan yahay ku sheegay Floyd Roy Roseberry oo kasoo jeeda North Carolina wuxuuna xusay in xabsiga la dhigay shaqaaqo la'aan.

Manger wuxuu carabka ku adkeeyay in boolisku la xiriireen tuhmanaha isagoo isticmaalaya sabuurad cad ka dib markii uu diiday inuu isticmaalo taleefan. Aakhirkii, wuu is-dhiibay.

"Gaariga ayuu ka degay oo is dhiibay, cutubyadii xeelada isticmaalay ee ku dhawaa ayaa xabsiga dhigay isaga oo aan wax dhibaato ah geysan," ayuu yiri taliyaha booliska.

Roseberry oo su'aalaha uu wajahayo ay qeyb ka tahay haddii uu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisadda ah ayaa Facebook Live soo galay isaga oo jooga goobta laga soo xiray.

Ma uusan xaqiijin in Roseberry ay dhab ka ahayd in uu doonayey in uu isku-qarxiyo xarunta baarlamaanka Mareykanka oo loo yaqaano Capitol-ka, isagoo ku gaabsadey in baaritaanka uu weli socdo.

"Waan ognahay in Mr Roseberry uu la kulmay xoogaa khasaaro dhanka qoyskiisa ah… hooyadii ayaa dhawaan geeriyootay, waxaana la hadalnay xubno ka tirsan qoyskiisa, waxaana jiray arrimo kale oo uu la tacaalayay," ayuu Manger u sheegay wariyeyaasha.

Subaxnimadii hore, Manger wuxuu sheegay in booliisku ay wada xaajood la galayaan tuhmanaha sheegtay inuu bam ku haystay baabuurkiisa meel u dhow maktabadda Congress-ka ka dib markii uu faarujiyay aagga ku hareeraysan gaariga.

Horraantii 2021, isla aaggaas waxaa ka dhacay fowdo iyo iska-hor-imaadyo rabshado wata markii taageerayaasha madaxweynaha xilka ka degay ee Donald Trump ay xoog ku galeen Capitol-ka.

Bam lagu soo rakibay tuubo ayaa sidoo kale looga tagay meel u dhow xarunta xisbiyadda Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga maalin ka hor rabshadaha. Masuuliyiintu wali ma helin qofkii ka tagay walxaha qarxa, kaas oo aan qarxin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM