Nin jiiray suulida ugu da'da weyn Japan oo bileyska isku dhiibay

Image
Musqushan ayaa waxaa lagu naaneystaa "hyakusecchin" oo macnaheedu yahay "suulida 100-ka qof ah".

TOKYO, Japan - Nin ay shaqadiisu tahay inuu caawiyo ilaalinta hiddaha dhaqanka ee Japan ayaa si lama filaan ah baabuurkiisa ugu dhex jiiray suuliga ugu da'da weyn ee macbadka Budhiistaha ee qarniyo jiray.

Musqushan oo taala macbadka Tofukuji ee magaaladda Kyoto waxay soo taxnayd ilaa qarnigii 15aad waxaana loo aqoonsadey in ay tahay hanti dhaqameed oo muhiim ah.

Albaabkeeda qadiimiga ah ayaa burburay kadib markii shaqaaluhu uu gaaska ku dhuftay isagoo aan ogayn in baabuurku uu rogan yahay, sidda lagu sheegay warbixin kasoo baxdey booliiska.

"Ma jirto cid wax ku noqotay. Qeybaha kale ee musqusha waxyaalo masoo gaarin marka laga reebo albaabka," ayaa la raaciyey warbixinta kasoo baxdey Booliska.

Ninkan oo aan magaciisa la shaacin, kana shaqeeya Xarunta Ilaalinta Dhaxalka ee Kyoto ayaa wacay booliiska wax yar ka dib markii uu shilku dhacay, isaga oo u sheegay in uu burbur u geystay macbadka.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in uu macbadka u booqanayay howlo shaqo. Wargeyska Sankei Shimbun oo soo xigtey illo wareedyo ayaan kala caddeyn haddii shaqsigan xabsi loo taxaabay.

Sawir uu kusoo baxay wargeyska oo kamid ah kuwa loogu akhrisashadda badan yahay ayaa muujinaya wax u eg gaariga kadib markii uu galay albaabka musqusha oo 700 sano jir ah iyo tiirar.

Suulida ayaa lagu naaneystaa "hyakusecchin" oo macnaheedu yahay musqul 100 qof ah, maadaama ay isticmaali jireen in ka badan 100 wadaado tababaran ah oo macbadka jooga, sidda ku xusan warbixinta joornaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM