Nin kamid ahaa markhaantiyaasha keysaska ICC ee Kenya oo la diley

Image

January 5, 2015 (GO)- Nin kamid ahaa markhaantiyaashii dacwadaha maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada dagaalka (ICC) kusoo oogtey madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto iyo wariye Joshua Sang oo maalmihii u dambeeyey la la'aa ayaa meydkiisa laga helay deegaanka Nandi ee gobolka Rift Valley.

Ninka oo lagu magacaabi jirey Meshack Yebei waxaa isagoo madaxa laga toogtey laga helay webi ku yaalla deegaanka Nandi lamana oga cidda dishey balse qoyskiisa ayaa sheegay in dilkiisa mas'uuliyiin sare oo dowladda ka tirsani ku lug leeyihiin.

Dhanka kale madaxa xafiiska maxkamadda ICC ee dalka Kenya Mabinty Kamara ayaa sheegtay inay ka warheleen geerida ninkaas markhaantiga ahaa balse ilaa iyo hadda aysan macluumaad buuxa ka haynin sababta iyo cida ka dambeysa dilkiisa.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ku xigeenkiisa William Ruto iyo shaqsiyaad kale oo saraakiil ciidan iyo weriyeyaal isugu jira, waxaa lagu soo eedeeyey inay qayb wayn ka qaateen rabshado in ka badan kun qof ku dhinteen, kuwaasoo dalka Kenya ka dhacay kadib doorashadii madaxtinimada ee sanadkii 2007.

Bishii December ee lasoo dhaafay maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada dagaalka (ICC) ayaa laashey dacwadihii ka dhanka ahaa Uhuru Kenyatta, kadib markii cadeymo dhameystiran iyo markhaantiyaalba maxkamada la hor keeni waayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM