Nin ku guulaystay $8.9 milyan oo bakhtiyaa-nasiib ah

Image
Shaqsigan oo lagu magaacaabo Wilbur Brown ayaa iska ilaaway tigidhka dhawr todobaad kadib markii uu gatay.

WASHINGTON, US - Nin ayaa 3 bilood ka hor iibsaday tigidh bakhtiyaa nasiib ah oo loo yaqaano Megabucks. Shaqsigan oo lagu magaacaabo Wilbur Brown ayaa iska ilaaway tigidhka dhawr todobaad kadib markii uu gatay.
 
Saaxiibkiis ayaa habeenimadii ciidii masiixiga ka bixiyay hal tigidh $25 taas oo sabab u noqotay in uu asagana qaato mid kale. Sida uu sharaxay saaxiibkiis, halkii mar qofka ayaa loo ogolaa in uu doorto 26 sawir oo isku xiga.

Lambarradda uu doortay ayaa kala ahaa; 15, 33, 34, 40, 42 iyo 47 mana uu dhameystirin 26-kii lambar ee laga rabay asagoona sheegay in uu ilaabayba.
 
Brown ayaa 19-kii Febraay kusoo noqday Moose Lodge oo ahayd halkii uu ka iibsaday tigidhka waxuuna u dhiibay mid ka mid ah adeegayaasha goobta si uu u fiiriyo.
 
Marka la eegay ayaa waxaa soo dhacay fariin ah in uu yahay guulaystaha, waxa ayna ka fiiriyeen qadka si ay u ogaadaan waxa ay tahay fariinta noocan ah balse nasiib wanaag waxay xaqiiqsadeen inuu ku guulaystay lacag gaareysa $8.9 milyan.
 
Lacagtan ayaa guulaystaha halmar la siini doonin balse waxuu sanad kasta qaadan doona lacag wax yar kor u dhaafeysa $200,000 ka dib marka laga jaro canshuurta.
 
Sida ku xusan heshiiska iibsashada ayaa ah in goobta laga iibsaday ay yeelaneyso 1% oo lacagta guulaystaha, sidaas ayayna Moose Lodge ku qaadanayaan $89,000.
 
Maamulaha xarunta, Michael Scott ayaa sheegay in ay guushan timid xilli loo baahnaa madaama sanado badan aanan lagu guuleysan lambar laga gatay meeshooda.
 
"Soo jiidasho wanaagsan ayay keeni kartaa guushan! Waxaan la shaqeyni doonnaa kooxaha naga midka ah in ay si wanaagsan ugu isticmaalaan lacagtan gunnada ah," ayuu yiri Michael Scott.
 
Caalamka waqti-xaadirkan ayaa waxaa ku soo badanaya shirkadaha ku shaqaysta nidaamka bakhtiyaa-nasiibka ayagoo ka sameeya lacag ka badan tan ay siiyaan guulaystayaasha waxaana badan kuwa guuldaraysta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsi dagaal oo ka taagan Buurhakaba kadib khilaaf ka dhex qarxay maamulka Koonfur Galbeed

Wararka laga helayo gudaha degmada ayaa sheegaya in xiisadda sii kordheysa ay dhalin karto iska horimaadyo hubeysan.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 02:13PM

Saameynta Safarka Trump ee Shiinaha: Maxaa laga filan karaa?

Maalgashadayaasha caalamiga ah, ayaa ka walwalsan in haddii lagu heshiis waayo canshuuraha cusub.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 11:10AM