Nin laayey qoys Muslimiin oo dacwad culus lagu soo oogay

Image

TORONTO, Canada - Nin lagu eedeeyay inuu laayey qoys Muslim iinah oo ku nool magaalada London ee Ontario, bishaan gudaheeda, dilayna afar qof oo ay ku jirto gabar yar, ayaa hada wajahaya eedeymo argagixiso, sidda ay masuuliyiintu ku dhawaaqeen Isniintii.

Booliska London ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen in Nathaniel Veltman afarta dambi ee dil darajada koowaad ah "ay ka mid yihiin dambiyada argagixiso" iyo in dacwad oogayaasha federaalka iyo kuwa gobolka ay ogolaadeen in la bilaabo dacwadaha argagixisada.

Veltman ayaa lagu eedeeyay in uu si ula kac ah u jiirsiiyey shan qof oo ka mid ah qoyska Afzaal gaari xamuul ah xilli ay kasoo baxayeen xaflad tamashleyn fiidnimo 6-dii Juun.

Salman Afzaal oo 46 jir ah, xaaskiisa Madiha Salman oo 44 jir ah, gabadhooda oo 15 jir ah Yumna iyo ayeeyadeed oo 74 jir ah, Talat Afzaal, ayaa lagu dilay weerarka, halka labada lamaane oo sagaal sano jir ah dhaawac culus ayaa soo gaadhay.

Veltman wuxuu sidoo kale wajahayaa hal dambi oo isku day dil ah, oo ay masuuliyiintu sheegeen Isniintii inay sidoo kale ka dhigan tahay "falal argagixiso".

20-jirkan, oo qoraal kooban ka soo gudbiyay maxkamadda Isniintii fiidyow, weli ma uusan sameyn wax qirasho ah taasoo la macno ah in uu sii socon doono nidaamka maxkamadeynta.

Weerarka ayaa ruxay bulshooyinka muslimiinta ah ee ku nool Kanada oo dhan, kuwaas oo sanado badan ku baaqayay in wax laga qabto Islaam naceybka iyo nin jeclaysiga, gaar ahaan ka dib toogasho baaxad leh oo dad badani ku dhinteen oo ka dhacday masaajid 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM