Nin masiixi ah oo dil toogasho loogu riday in uu u gefay Nabi Maxamed

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Maxkamad ku taala magaaladda labaad ee ugu weyn waddanka Pakistan ee Lahore ayaa Talaadadii nin masiixi ah waxay dil toogasho ugu xukuntay in uu hadalo ugu gefay Nabi Maxamed [NNKH].

Asif Pervaiz, oo ah shaqaale warshad dharka sameysa, ayaa maamulihiisu wuxuu kusoo oogay dacwad ah in uu fariin qoraaleed ahaan ugu soo diray hadalo sumcad dil ah ama aflagaado ah kana dhan ah Nabi Maxamed.

Wallow dalabyo dib-u-eegis ay miiska saaran yihiin, Pakistan waxaa ka jira sharci qofkii u gefa Nabiga uu ku muteysan karo dil toogasho.

Pervaiz, oo 37-sano jir ah, ayaa kiiskiisu soo taxanaa tan iyo 2013-kii. Qareenkiisa, Saif-ul-Malook oo u waramay wakaaladda wararka Reuters, wuxuu sheegay in ay rafcaan qaadanayaan. Balse masoo bandhigin waqtiga.

Garsooreyaasha ayaa wariyey in Pervaiz uu marka hore saddex sano xabsi ugu qaadan doono "in uu si qaldan u adeegsaday telefoonka".

"Kadib waa la daldalaa ilaa uu ka geeriyoodo," ayay ka dhawaajiyeen, iyagoo ku ganaaxay aduun lacageed dhan saddex boqol oo Doolar ah.

Pervaiz ayaa u sheegay maxkamada in maamulihiisa uu eedahaan u soo jeediyey markii uu ka diidey in uu Diinta Islaamka qaato. Hase ahaatee, dacwadoodaha qareenkiisa, Murtaza Chaudhry, wuxuu beeniyey qiilkaan.

Hay'addaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa tilmaamay in sharciga gefka diimaha lagu maxkamadeeyo dadka laga tiradan yahay ama Muslimiinta si shaqsiyaad dano gaar ah u gaaraan hadafkooda qarsoon.

Bishii Julaayo ee sanadkan 2020, muwaadin Ameerikaan ah waxaa gudaha maxkamad ku taala magaalada Peshawar ku dilay wiil dhalinyaro ah, Tahir Ahmed Naseem, kaasoo ku eedeyay in uu caayey Nabi Maxamed [NNKH].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM