Nin qarxiyay Masjid oo 53 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Image

Hoggaamiyaha maleeshiyadii weerarkii qaraxa ahaa kusoo qaaday Masaajidka Darauf Faaruuq ee magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota oo la yiraahdo Emily Haris ayaa lagu xukumay 53 sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay dhammaan dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Dacwad-oogeyaasha ayaa ku rajo weynaa in Emily Haris, oo magaciisa afgarashada uu ahaa Micheal Haris in lagu xukumo xabsi daa'in, maadama uu hoggaaminayay kooxda weerarka ku soo qaaday masaajidka Daarul Faaruuq.

"Waa Illahey Mahadi in maanta la xukumay raggii ku soo duulay oo qarxiyay Masaajidka Daarul-Faaruuq, waa guul u soo hoyatay Muslimiinta Minnesota," ayuu yiri Imaam Maxamed Maxamuud Maxamed Carab oo ah Mamaulaha Masaajidka.

Andres Folk oo ah ku-simaha xeer-ilaaliyaha maxkamadda heer Federaal ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in dhammaan dadkii ay wareysteen ay isku raaceen xanuunka iyo niyad jabka weerarkan oo ahaa mid "islaam naceyk ahaa".

Garsooraha maxakamadda Federaalka Donovan Frank oo ku dhawaaqay xukunka Haris oo 50 -jir ah ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid argagixiso ah.

Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo hoggaamiyeyaasha Muslimiinta Minnesota ayaa soo dhaweeyay xukunkii shalay oo baritaankiisu socday sadex sano iyo bar.

Masaajidkaa Daarul Faaruuq ayaa la weeraray bishii August ee sanadkii 2017.

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM