Ninkii sameeyay talaalka Covid19 oo uu isagii ku dhacay cudurka

Image
Waxaa jirta dawo cusub oo la sheegay in ay wax ka tarayso noocyada cusub ee cudurka.

WASHINGTON, United States - Agaasimaha shirkadda Pfizer Albert Bourla ayaa sheegay in uu ku dhacay cudurka Karoonaha.

Shirkaddan ayaa dunida caan ka noqotay kadib markii ay soo saartay tallaalka cudurka oo ay qaateen malaayiin qof oo dunida daafaheeda kala jooga.

Agaasimaha ayaa hadda sheegaya in uu roonyahay kadib markii uu qaatay dhawr kuuro oo ah dawada afka laga qaato ee cudurka.

Waxaa jirta dawo cusub oo la sheegay in ay wax ka tarayso noocyada cusub ee cudurka, balse agaasimaha wuxuu sheegay in uusan weli qaadan isaga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM