North Korea oo iska fogeysay "xan" uu ka faafiyey Mareykanka

Image
Xukuumadda Pyongyang ayaa sheegtey in wararkan ay salka ku haayaan "ujeedooyin siyaasadeed iyo milatari".

MOSCOW, Russia - Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in aysan waligeed hub ka iibin Ruushka, islamarkaana aysan qorshaha ugu jirin in ay hubkaas mustaqbalka ka iibiso, ka dib markii Mareykanka uu kasoo baxay warka sheegaya in Moscow ay u weecanayso Pyongyang si ay u soo buuxiso bakhaarada.

Saraakiisha Mareykanka oo soo xiganaya warbixino dhanka mukhaabaraadka ah ayaa horay u sheegay in Ruushka uu ka iibsan karo gantaalada iyo madaafiicda Kuuriyada Waqooyi.

Mas'uuliyiintan ayaa waxay sheegeen in tillaabooyinkan oo kale, oo ay weheliso iibsashada hubka Iran, ay muujinayso cunaqabataynta reer galbeedka ay saameysay dadaalka Ruushka ee dagaalka Ukraine.

Moscow ayaa beenisay wararka xilligaas. Dhaqdhaqaaq kasta oo hub ah oo u dhexeeya labada dal waxa uu noqonayaa mid xad-gudub ku ah cunaqabataynta Qaramada Midoobay.

Khamiistii, hadal ay baahisay warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ee KCNA, sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Kuuriyada Waqooyi ayaa yiri: "Weligeen hub iyo rasaas uma dhoofin Ruushka hadda ka hor, mana qorsheyneyno inaan dhoofino."

Waxay ku eedaysay Maraykanka, iyo "xoogaga cadawga ah", inay faafiyeen wararka xanta ah si ay "u daba galiyaan ujeedooyinkooda siyaasadeed iyo kuwa milatari".

Horraantii Sebtembar, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in iibsiyada Kuuriyada Waqooyi ay Ruushka “ay ku jiri karaan macno ahaan malaayiin xabo, gantaallo iyo madaafiic”. Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyn saarey North Korea sababo ku aadan Nukliyeer-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM