Norway: Ninkii Qur’aanka gubay oo lagu daray Liiska tarxiilka

Image
Waxaa baraha bulshada wareegayay warar been abuur ah oo ku saabsan dhimashadiisa.

Oslo (GO) - Norway ayaa xabsiag dhigtay qaxootigii Ciraaqiga ahaa ee ku sugnaa Sweden, Silwan Momika, kaasoo dhaliyay mowjad caro ah sannadkii hore ka dib markii uu qur’aanka gubay, waxayna go’aansatay inay sida ugu dhakhsaha badan u masaafuriso Swede.

Booliska Norway ayaa qabtay Momika 28-kii bishii March, isaga oo dhamaadkii bishii hore magangalyo weydiistay Norway kadib markii laga xayoobiyay sharcigii uu ku joogay Sweden.

Norway waxa ay damacsan tahay in ay “sida ugu dhaqsaha badan” ugu masaafuriso Sweden iyadoo la raacayo heshiiska qaxootiga ee Dublin, sida lagu sheegay go’aanka maxkamadda Oslo oo ay aragtay wakaaladda France-Presse.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM