Obama oo dhaliilay duqeymaha Israa’iil ee Qasa

Image

WASHINGTON - Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa dhaliilay go’aanka Israa’iil ay ku go’doomisay Marinka Qasa, iyadoo ay ku guda jirto dagaalka Xamaas, isagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta go’aankan.

Obama oo xilka madaxtinimada Maraykanka qabtay intii u dhaxaysay 2009 iyo 2017, ayaa yiri

“Go’aanka ay dawladda Israa’iil ku jartay cunnada, biyaha, iyo korontada kaliya ma ahan mid khatar ku ah inay uga sii darto dhibaatooyinka bini’aadantinimo, balse waxay sidoo kale horseedi kartaa inay Falastiniyiintu go’aan ka qaataan Israaiil, ayna fashil ku soo dhamadaan dadaaladda la isugu soo dhaweynaayo labada dhinac"

Waxa uu intaa ku daray in go’aankaasi uu sidoo kale horseedi karo in ay meesha ka baxdo taageerada caalamiga ah ee Israel, taas oo laga yaabo in ay ka faa’iidaystaan cadawga Israa’iil, isla markaana ay wiiqdo dadaallada muddada dheer lagu raadinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Xilligii Obama, Israa’iil ayaa laba dagaal ku qaadday Marinka Qasa sannadihii 2012 iyo 2014kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM