​Obama oo Sacuudiga tagay

Image
Image

Madaxweynaha dalka Maraykanka Brack Obama ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta waddanka Sacuudi Carabiya ee Riyaad, wuxuuna halkaasi u tagay arrimo la xiriira xiisadda labada dalka ka dhex taagan iyo shir barri u furmaya waddamada Khaliijka.

Obama, waxaa xarunta boqortooyada dalkaasi ku soo dhaweyay duqa caasumadaasi, waxayna tani qayb ka tahay xasarada ka dhex aloosan labada dal.

Maraykanka iyo Sacuudiga ayaa xiriirkoodu xumaaday kadib markii Aqalka Congress-ka uu sheegay in dalkaas ku lug lahaa weerarkii dhacay 2001-dii.

Congress-ka ayaa arrintaasi shaaciyay maadama dhalinyarii ugu badnayd ee weerarka qaaday kasoo jeedeen dalkaasi Carbeed.

Balse Boqortooyada Riyaad oo ka jawaab celiysay ayaa ku goodisay inay iibin doonto dhammaan hantideeda USA, waxaase hadal uu sheegay Afhayeenka aqalka cad ku tilmaamay in hadii Congress-ku tallaabadaasi meelmariyo, madaxweyne Obama uusan saxiixi doonin.

Xasaraddan iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ayaa la filayaa in labada hogaamiye ka doodaan, iyadoo horay xukuumadda Washington Sacuudiga ku dhaliishay inuu ka gaabiyay howlgallada ka dhanka ah Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM