Obama: waan ka jawaabeynaa weerarkii lagu soo qaaday Sony

Image

December 20, 2014 (GO)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in Maraykanku jawaab deg deg ah ka bixin doono weerarkii dhanka internetka ee lagu soo qaaday kumbuyuutarrada shirkadda filimada soo saarta ee Sony Pictures Entertainment.

Obama oo shalay oo Jimce ahayd jeediyey khudbaddiisii sanadlaha ahayd wuxuu intaas ku daray in sinaba aan loo aqbali karin quwadaha kaligii taliska ahi inay faaf-reeb ka sameeyaan gudaha Maraykanka waa sida uu hadalka u dhigaye.

"waxay geysteen khasaare baaxad leh waanuna ka jawaabi doonnaa taas, waxan uga  jawaabi doonnaa habka, goobta iyo waqtiga ay ku haboon tahay" Obama ayaa sidaas yiri isagoo dhanka kale dhaliilay go'aankii shirkadda Sony ku joojisey baahinta filimka.

Sirdoonka Maraykanka ayaa xaqiijiyey in weerarkii lagu soo qaaday kumbuyuutarrada Sony laga soo abaabulay dalka Waqooyiga Kuuriya.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa ku hanjabtay inay tirtiri doonto dhammaan macluumaadka shirkada haddii ay baahiso filim dhowaan lasoo saaray  oo lagu magacaabo The Interview. Filimka oo majaajilo (Comedy) ah waxaa si jees jees ku jiro loogu khaarijinayaa hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriy Kim Jong-un.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM