Oday dhaqameed soo xulay baarlamaanka 11aad oo la dilay

Image
Dabley ayaa nabadoonka ku dishay xaafadda NBC degmadda Hodan ee magaaladda Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya – Maleeshiyaad hubaysan ayaa xalay magaaladda Muqdisho ku dilshay Nabad doon lagu magacaabi jiray Yuusuf Daahir Khayre (Yuusuf Dhoore), sidda xubno ka tirsan eheladiisa ay u sheegeen warsidaha Garowe Online.

Ehelada Nabadoonka ayaa intaasi ku daray dilka marxuumka uu sigaar ah uga dhagay xaafada NBC ee degmada Hodan, kooxdii dilka gaysatana ay goobta ka baxsatay.

Nabadoonka la toogtay ayaa Isbitaalka Erdogan ee (Ex Digfeer) ugu geeriyooday dhaawaca daran oo ka soo gaaray rasaasta oo ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, iyadoo ,markii danbena meydkiisa la geeyay xarunta baarista danbiyada ee C.I.D.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in nabadoonka la dilay uu ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Ergada dhawaan soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo kooxda Shabaab hore ugu hanjabtay in ay beegsan doonto cid kasta oo kalain ku leheyd doorashada.

Ciidamo boolis ah uu watay taliyaha saldhigga degmada Hodan Xuseen Cadceed oo tagay  Xaafada NBC oo ah goobta dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgal baaritaana ah walow uusan ku guuleysan inuu soo qabto kooxihii weerarkan ka danbeeyay. Majirto cid ilaa iyo hada loo soo xiray kiiskaan.

Majirto cid sheegatay masuuliyada falkaan balse kooxda Al Shabaab ayaa looga bartay weerarada nuucaan ah iyo beegsiga ergooyinka ka qayb galay codaynta dalka.

Amaanka ayaa ka mid ah caqabadaha waawayn ee horyaalla doorashada Soomaaliya iyada oo ay xusid mudantahay in xilliga doorashooyinka ay bataan weerarada abaabul ee lagu khaarajinaya shaqsiyaadka saamaynta ku leh codaynta dalka ka socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM