Pakistan: Carro ka dhalatay shaqsi la dilay lana gubay

Image
Ra'iisul Wasaare Imran Khan oo qoraal ku daabacay Twitter-ka ayaa falkan ku tilmaamay "maalin ceeb u ah Pakistan".

ISLAMABAD, Pakistan – Tobaneeyo qof ayaa lagu xiray dalka Pakistan kadib markii maamule warshad una dhashay Sri Lanka la dilay ayna dab qabadsiiyay koox dad ah oo ku eedeeyay inuu aflagaadeeyay diinta Islaamka.

Muuqaalo dhowr ah oo naxdin leh oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dad shacab ah oo garaacaya dhibanaha iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah cay la sheegay in uu sameeyay Jimcihii.

Muuqaalo kale oo lagu faafiyey ciwaanada baraha bulshadda ee shaqsiyaad ka shaqeeya shirkadda ayaa muujinayay meydkiisa oo gubanaya iyo sidoo kale burburka oo la sheegay inuu ahaa gaarigiisa.

Sabtidii, afhayeen u hadlay booliiska oo lagu magacaabo Khurram Shahzad ayaa sheegay in ilaa 120 qof la xiray, oo uu ku jiro mid ka mid ah tuhmanayaasha ugu waaweyn, iyadoo weli uu socdo howlgallada.

“Khubaro booliis ah ayaa kiiskan dhinacyo kala duwan ka baaraya, waxaana ka mid ah in qaar ka mid ah shaqaalaha warshadda ay qaateen kaadhka diini ah si ay ugu aargutaan maamulaha," ayuu yiri Tahir Ashrafi.

Ashrafi waa caalim dhanka diinta ah, ahna wakiilka gaarka ah ee ra'iisul wasaaraha u qaabilsan diinta, isagoo xaqiijiyay xariga shaqaalaha, wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha ay sheegeen in maareeyaha uu ahaa mid aad u adag.

Weerarkan ayaa dhaliyay caro, iyadoo Ra'iisul Wasaare Imran Khan uu ku tilmaamay "maalin ceeb u ah Pakistan". Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in eedeymaha aflagaadada inta badan loo adeegsan karo in lagu xaliyo waxyaabaha shaqsiga ah, iyadoo dadka laga tirada badan yahay ay inta badan bartilmaameedsanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM