Pakistan: Imran Khan oo loo jaray waaran lagu oo xirayo

Image
Waa caqabadii ugu dambeysay ee dhanka sharciga ah ee soo wajahday ra'iisul wasaarihii hore Pakistan.

ISLAMABAD, Pakistan - Guddiga doorashada Pakistan ayaa amar xarig aan dammaanad lahayn u gooyay Imran Khan, waa caqabadii ugu dambeysay ee dhanka sharciga ah ee soo wajahday ra'iisul wasaarihii hore.

Kiiskan ugu dambeeyay ayaa waxa uu yimid Isniintii, isla maalintaas Khan waxaa dammaanad ku siisay maxkamadda sare kiis kale.

Khan ayaa wajahaya in ka badan 150 kiis, oo ay ku jiraan “argagixisanimo” tan iyo markii looga xayuubiyay xilka cod kalsooni kala noqoshada baarlamaanka bishii Abriil ee sannadkii hore.

Amarka, oo laga soo saaray Islamabad, ayaa lagu sheegay in Khan uu quur-sadey guddiga doorashada oo uu ku guuldareystay inuu horyimaado guddiga inkastoo ogaysiisyo hore iyo amarro dammaanad ah lagu soo qaatay.

Xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf ayaa internet-ka ku faafiyey sawirka waaranka, isagoo sheegay in uu keenay guriga Khan ee Lahore xubin ka tirsan kooxdiisa sharciga.

Siyaasigan oo 70 jir ah ayaa lagu eedeyay in uu isticmaalay “hadal aan dhexdhexaad ahayn iyo hadalo quursi ah” oo ka dhan ah guddiga doorashada.

Khan ayaa bishii May ay xireen mas’uuliyiinta Pakistan iyadoo lala xiriirinayo kiis musuqmaasuq, kaasoo dhaliyay rabshado dhimasho badan dhaliyay oo ka dhacay dalkaas. Damiin ayaa lagu sii daayay maalmo gudahood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM