Pakistan: Imran Khan oo xabsiga laga sii deynayo

Image

ISLAMABAD - Maxkamad ku taalla Pakistan ayaa hakisay xukunkii Ra'iisul Wasaarihii hore Imran Khan oo lagu soo oogay kiis hadiyado qaran inuu iibsaday intii uu xukunka hayay.

Labada garsoore ee maxkamada sare ee Islamabad ayaa hakiyay xukun dhawaan lagu riday Imran Khan oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Khan ayaa xabsiga ku jiray tan iyo markii lagu xukumay saddex sano 5-tii August, isagoo lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah u iibiyay hadiyadaha dowladda intii uu ahaa Ra'iisul wasaaraha 2018 ilaa 2022.

Imran Khan ayaa sidoo kale laga mamnuucay muddo shan sano ah inuu u tartamo xil, mana ka qeybgali karo doorashada dalka.

Ciyaaryahankii Cricket-ka ee Siyaasiga noqday, oo wajahaya in ka badan 100 kiis tan iyo markii xilka looga tuuray cod kalsooni Baarlamaanka April 2022, ayaa la filayaa in lasii daayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM