Pakistan: Naftii-halige ugu yaraan 44 qof ku dhex-dilay masjid

Image
Ururka Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP) ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan dhiiga badan daadiyey.

ISLAMABAD, Pakistan - Ugu yaraan 44 qof oo ay ku jiraan askar boolis ayaa ku dhintay in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen waqooyi-galbeed Pakistan Isniinta maanta ah ka dib markii naftii-halige uu isku qarxiyay gudaha masjidka kadib salaadii duhur, sidda ay sheegeen saraakiil dhanka ammaanka ah.

Mohammad Asim, oo ah afhayeenka Isbitaalka Lady Reading ee magaalada Peshawar, halkaasoo la geeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxa, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tirada dhaawaca iyo dhimashada ay kordhi karto.

"In ka badan 12 ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa xaaladoodu aad u liidataa, wayna sii kordhi kartaa waqti walba," ayuu raaciyay. Masjidka ayaa ku yaala gudaha xarunta booliska.

Ururka xiriirka la leh Taliban garabka Pakistan, Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP), ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan khasaaraha badan dhaliyay. Dadka dhintay ayaa isugu jiray dhowr sarkaal oo ka tirsan booliiska iyo wadaado.

Wasiirka Difaaca, Khawaja Asif, ayaa Geo News u sheegay in qofka looga shakisan yahay inuu is qarxiyay uu taagnaa safka hore ee masjidka, isla markaana uu is qarxiyay markii salaadda la billaabay.

Peshawar waxay ahayd meel ay ka dhacaan weeraro argagixiso muddo labaatan sano ah, inkastoo xaaladda sharciga iyo kala dambeynta ay si weyn u soo hagaagtay dhowrkii sano ee u dambeeyay.

Weerarkii ugu dambeeyay ee ugu weynaa ee ka dhaca Peshawar ayaa dhacay sanadkii hore, markaasoo qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay gudaha masaajid Shiicada ah, kaasoo ay ku dhinteen 63 qof. Inta badan weeraradan waxaa fuliya garabka Taalibaan ee waddankaas dadka ay waxyeelada soo gaartana waa rayid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM