Pakistan oo dabley Iiraani ah la xiriisay weerar looga dilay askar

Image
Waa dhacdadii labaad oo nooceeda ah oo muddo saddex bilood gudahood ah laga soo wariyo aaggan.

ISLAMABAD, Pakistan - Afar askari oo Pakistani ah ayaa la dilay kadib markii dabley ay weerar ku qaadeen xilli ay roondo u joogeen koonfurta-galbeed ee gobolka Balochistan, sidda uu taliska ciidamada sheegeen.

Ciidamada qalabka sida oo xusay in kooxda hubeysan ay kasoo talaabtey dhinaca xadka Iiraan ayaa intaa ku daray in xiriir lala samaynayo Tehran "si tallaabo looga qaado kuwa ku lugta leh weerarka".

Garabka warbaahinta ee ciidamada Pakistan ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in "koox argagixiso ah oo ka hawlgala dhinaca Iran" ay weerar ku qaadeen ciidamada oo roondo ka waday Degmada Kech.

Bayaanka ayaa hoosta looga xariiqay in xiriir lama huraan ah lala sameeyo Tehran si tallaabo wax ku ool ah looga qaado "argagixisada dhinaca Iran iyo si looga hortago dhacdooyinkan oo kale mustaqbalka."

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa illaa haatan waxa aysan war kasoo saarin eedeynta xukuumadda Islamabad.

Waa dhacdadii labaad muddo saddex bilood gudahood ah laga soo wariyo aaggan, iyadoo dableyda ay ka soo gudbeen xadka Pakistan iyo Iran ay weerar ay dileen afar askari bishii Janaayo.

Balochistan ayaa qani ku ah macdanta balse dadkiisu waa sabool. Waa marin muhiim u ah mashruuc ku baxeysa $64 bilyan oo ay iska-kaashanayaan Shiinaha iyo Pakistan qeyb ka ah hindisaha Belt and Road.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM