Pakistan oo nin Shiinees ah u xirtey in uu caayay Nabi Maxamed

Image
Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Mr Tian ayaa diiday eedaymaha ay u soo jeediyeen asxaabtiisa.

ISLAMABAD, Pakistan - Maxkamad ku taal Pakistan ayaa amartay muwaadin u dhashay Shiinaha oo lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay in xabsiga lagu sii hayo muddo laba toddobaad ah, sida ay booliisku sheegeen.

Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Mr Tian ayaa diiday eedaymaha ay u soo jeediyeen asxaabtiisa intii uu socday maxkamad ku taal magaalada Abbotabad fiidnimadii Isniinta.

Tahir Ayuub, oo ah sarkaal ka tirsan booliiska deegaanka, ayaa Al Jazeera u xaqiijiyay Arbacadii in eedaysanaha xabsiga loo taxaabay, iyadoo maamulka uu baarayo dhacdada.

Mr Tian, oo ah madaxa gaadiidka culus ee mashruuc weyn oo koronto lagu dhaliyo, ayaa 15-kii bishan April waxaa lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay Nebi Muxamed.

Sidda ku xusan warbixinta, eedeysanahan ayaa waxaa la sheegay inuu ku booriyay shaqaalaha inay dardargeliyaan shaqada ay ku guda jiraan xilli ay ku guda jireen fasaxa salaada.

Mashruuca tamarta ee Dasu ee degmada Kohistan ee waqooyi-galbeed Pakistan ee Khyber Pakhtunkhwa ayaa waxaa fulinaya Shirkadda Shiinaha Gezhuba Group Company.

Aflagaadada ka dhanka ah diinta Islaamka waa mawduuc xasaasi ka ah gudaha Pakistan, oo ah waddan Muslimiin u badan yihiin, halkaas oo kuwa lagu helo dembigan lagu xukumo ciqaab dil ah noocyada dembiyadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad dagaal oo F-35C ah oo ku burburtay California, duuliyihiina si nabad ah uga badbaaday

Wali lama shaacin sababta keentay shilka, hase yeeshee baaritaan buuxa ayaa socda si loo ogaado wixii dhacay.

  • Caalamka

    31-07-2025

  • 04:43AM

Israel: Netanyahu Ka Badbaaday Isku Day Dil

Xiritaanka haweeneydan ayaa qeyb ka ah taxane ah isku dayo hore oo lagu fashiliyay in lagu dilo Netanyahu.

  • Caalamka

    23-07-2025

  • 01:43PM