Pakistan oo Sacuudiga la gashay Heshiis Difaac oo cabsi-geliyay India

Image

Riyadh/Islamabad –Boqortooyada Sacuudiga iyo Pakistan, oo ah waddan leh hubka nukliyeerka, ayaa Arbacadii kala saxiixday heshiis rasmi ah oo ku saabsan is-kaashi difaac, tallaabo si weyn u xoojinaysa xiriirkooda amni ee muddo dheer jiray, xilli xiisado gobolka ah ay cirka isku sii shareerayaan.

Heshiiskan cusub ayaa imaanaya xilli dalalka Khaliijka Carabta ay sii kordhinayaan shakiga ay ka qabaan kalsoonida Maraykanka oo muddo dheer u ahaa dammaanad qaade amni. Weerarkii Israa’iil ku qaaday Qatar toddobaadkii hore ayaa walaac weyn ku abuuray waddamada Carabta.

Mas’uul sare oo u hadlay dowladda Sacuudiga oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa yiri: "Heshiiskan waa natiijada sannado wadahadal ah. Ma aha jawaab toos ah oo loo dirayo waddan gaar ah ama dhacdo gaar ah, balse waa nidaamayn rasmi ah oo ku saleysan iskaashi qoto dheer oo horey nooga dhexeeyay."

Weerarkii Israa’iil ku qaaday magaalada Doha — oo lala beegsaday hoggaamiyayaal siyaasadeed oo ka tirsan Xamaas kuwaas oo wadahadal nabadeed ku jiray, laguna martigelinayey dalka Qatar — ayaa si weyn u careysiiyay waddamada Carabta.

Heshiiska difaaca ayaa la filayaa inuu beddelo xisaabinta istiraatiijiyadda gobolka, maadaama waddamada Khaliijka — inkasta oo ay saaxiib la yihiin Washington — ay si tartiib tartiib ah u raadinayaan sidii ay isugu dheellitiri lahaayeen xiriirka ay la leeyihiin Iiraan iyo Israa’iil si loo xalliyo khilaafaadka amni ee muddada dheer jiray.

LLaakiin dagaalka Gaza ayaa wax walba is beddelay, halkaas oo Qatar, oo ah dal Khaliiji ah, lagu beegsaday laba jeer sannad gudihiisaakiin dagaalka Gaza ayaa wax walba is beddelay, halkaas oo Qatar, oo ah dal Khaliiji ah, lagu beegsaday laba jeer sannad gudihiis — mar Iiraan, marna Israa’iil.

Heshiiska Sacuudiga iyo Pakistan ayaa sidoo kale yimid bilo kaddib markii Pakistan ay la gashay dagaal kooban xuduudda ah la deriskeeda iyo cadowgeeda dhanka nukliyeerka — Hindiya — bishii May.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya, Randhir Jaiswal, ayaa Khamiistii qoraal uu soo dhigay barta X (hore Twitter) ku sheegay in Hindiya ay la socoto heshiiskan, isla markaana ay eegi doonto waxyeellada uu ku yeelan karo ammaankeeda iyo xasiloonida gobolka.

Mas’uulka Sacuudiga ah ayaa sheegay in boqortooyadu ay sii wadi doonto kor u qaadidda xiriirka ay la leedahay Hindiya, isaga oo yiri:
"Xiriirkeenna Hindiya waa mid ka xoog badan sidii hore. Waxaan sii wadi doonnaa horumarinta xiriirkaas si aan u xoojinno nabadda gobolka."

Markii la weydiiyay in Pakistan ay Sacuudiga siineyso "hoos-gal nukliyeer ah" haddii loo baahdo, mas’uulka Sacuudiga ayaa ku jawaabay:
"Heshiiskani waa mid difaac dhammeystiran oo daboolaya dhammaan noocyada awoodaha milatari."

Telefishinka qaranka Pakistan ayaa muujiyay muuqaallo ah Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman, oo isku dhoolla-furaya kaddib saxiixa heshiiska. Waxaa goobta fadhiyay Taliyaha Ciidamada Pakistan, Sareeye Guuto Asim Munir, oo loo arko inuu yahay shaqsiga ugu awoodda badan Pakistan.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa lagu yiri: "Heshiiskan, oo ka tarjumaya rabitaanka labada dal ee ah in ay xoojiyaan ammaankooda iyo horumarinta nabadda gobolka iyo caalamkaba, waxa uu kor u qaadi doonaa iskaashiga dhanka difaaca iyo dhisidda awood iska caabin oo mideysan. Heshiisku waxa uu qeexayaa in gardarro lagu sameeyo midkood loo tixgelin doono gardarro lagu yahay labadooda."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muwaadiniinta Shiinaha oo Lagu Dhibaateeyo Garoomada Diyaaradaha New Zealand

Ganacsiga u dhexeeya labada dal ayaa ah mid aad u ballaaran, iyadoo labada dal ay sanadkii hore wada ganacsadeen qiimo dhan 22.9 bilyan oo doollar.

  • Caalamka

    17-09-2025

  • 07:41AM

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM