Pakistan oo xirtey shaqsiyaad "u gefay" diinta Islaamka

Image
Cayda Diinta Islaamka waa mawduuc xasaasi ka ah Pakistan, waxaana qofkii lagu helo dambigaas uu muteysanayaan dil toogasho.

ISLAMABAD, Pakistan – Booliiska Pakistan ayaa xiray afar nin oo lagu soo eedeeyay inay aflagaadeeyeen Diinta Islamka kadib markii ay kula murmeen ‘imaam’ (wadaad diimeed) in looga dhawaaqi karo aaska qof Kiristaan ​​ah masaajid, sida ay saraakiishu sheegeen.

"Kiisku wuxuu ka dhacay tuulada Khodi Khushal Singh, oo u dhow bariga magaalada Lahore, Noofambar 18," sarkaal ka tirsan booliiska maxalliga ah, Faryad, ayaa sidaas u sheegay Al Jazeera Khamiista.

Wuxuu ku daray: "Nimanka waa la xiray, waxaana horgeynay Maxkamadda". Cayda Diinta Islaamka waa mawduuc xasaasi ka ah Pakistan, waxaana qofkii lagu helo dambigaas uu muteysanayaan dil toogasho.

Raggan oo Muslimiin ah waxay la murmeen wadaad degaanka ah kadib markii uu diiday inuu ku dhawaaqo tacsida nin Masiixi ah oo ka soo baxay masaajidka, sida lagu caddeeyay warbixinta koowaad ee bileyska.

Afarta nin ayaa lagu soo eedeeyay qodobadda 295 iyo 298 ee xeerka ciqaabta Pakistan, kuwaas oo dambiilaha uu ku muteysan karo ilaa laba sano oo xadhig ah.

Ma jiro qof dil toogasho loogu xukumay aflagaado ka dhan ah diinta Islaamka gudaha Pakistan, laakiin waxaa sii kordhaya kiisaska la xiriira shaqsiyaadka ama kooxaha kala caqiiqadda ah ee isku beegsanaya qadiyaddan.

Tan iyo 1990-kii, ugu yaraan 79 qof ayaa lagu dilay rabshadahan oo kale, sida lagu sheegay warbixin ay daabacdey Aljazeera. Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka Pakistan ayaa ku tilmaamay kiiska afarta nin ee lagu eedeeyay "mid aan sal lahayn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM