Pakistan: safiirrada Norway iyo Philippine oo ku dhintey shil diyaaradeed

Image

May 9, 2015 (GO)- Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo siddey 17 qof oo ay ku jiraan danjireyaasha Norway, Malaysia, Indonesia iyo Philippine u jooga Pakistan iyo xaasaskooda ayaa kusoo dhacdey gobolka Gilgit-Baltistan ee ku yaalla waqooyiga dalka Pakistan.

Todoba qof ayaa ku geeriyoodey shilkaas waxaana kamid ahaa safiirkii Norway u joogey Pakistan, Leif Larsen, safiirkii Philippines Domingo Lucenario, xaasaska safiirrada Malaysia iyo Indonesia, labadii duuliye iyo qof kale oo kamid ahaa shaqaalaha diyaaradda.

Dadka dhaawacmey oo iyagana tiradoodu toban tahay islamarkaana qaarkood xaaladoodu halis tahay, waxaa kamid ah safiirka Holland u fadhiya Islamabad Marcel de Vink iyo safiirka Malaysia Ambassador Hasrul Sani Mujtabar.

Af-hayeen u hadlay militeriga Pakistan oo lagu magacaabo Major-General Asim Bajwa, ayaa sheegay in diyaaradda cilladi lasoo deristey ayna soo dhacdey xilli ay mareysey dooxada Naltar oo qiyaastii 300km u jirta caasimadda Islamabad.

Mas'uuliyiintan ayaa kusii jeedey gobolka Gilgit-Baltistan halkaasoo booqasho afar maalin ah uu ku mari lahaa Ra'isal Wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif.

Sharif ayaa soo gaba gabeeyey booqashada, wuxuuna shilka dhacay ku tilmaamey mid musiibo ah oo aad looga naxo, isagoo tacsi u direy dowladaha iyo qoysaska dadka shilkaas ku geeriyoodey u dhasheen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM