Pakistan: safiirrada Norway iyo Philippine oo ku dhintey shil diyaaradeed

Image

May 9, 2015 (GO)- Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo siddey 17 qof oo ay ku jiraan danjireyaasha Norway, Malaysia, Indonesia iyo Philippine u jooga Pakistan iyo xaasaskooda ayaa kusoo dhacdey gobolka Gilgit-Baltistan ee ku yaalla waqooyiga dalka Pakistan.

Todoba qof ayaa ku geeriyoodey shilkaas waxaana kamid ahaa safiirkii Norway u joogey Pakistan, Leif Larsen, safiirkii Philippines Domingo Lucenario, xaasaska safiirrada Malaysia iyo Indonesia, labadii duuliye iyo qof kale oo kamid ahaa shaqaalaha diyaaradda.

Dadka dhaawacmey oo iyagana tiradoodu toban tahay islamarkaana qaarkood xaaladoodu halis tahay, waxaa kamid ah safiirka Holland u fadhiya Islamabad Marcel de Vink iyo safiirka Malaysia Ambassador Hasrul Sani Mujtabar.

Af-hayeen u hadlay militeriga Pakistan oo lagu magacaabo Major-General Asim Bajwa, ayaa sheegay in diyaaradda cilladi lasoo deristey ayna soo dhacdey xilli ay mareysey dooxada Naltar oo qiyaastii 300km u jirta caasimadda Islamabad.

Mas'uuliyiintan ayaa kusii jeedey gobolka Gilgit-Baltistan halkaasoo booqasho afar maalin ah uu ku mari lahaa Ra'isal Wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif.

Sharif ayaa soo gaba gabeeyey booqashada, wuxuuna shilka dhacay ku tilmaamey mid musiibo ah oo aad looga naxo, isagoo tacsi u direy dowladaha iyo qoysaska dadka shilkaas ku geeriyoodey u dhasheen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM