PKK oo shaacisay inay hubka dhigayso si usoo afjarto dagaalka dowladda Turkiga

Image

Erbil, Ciraaq — Ururka hubeysan ee Kurdiyiinta PKK ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu is kala diro isla markaana hubka dhigo, tallaabo cusub oo u muuqata mid rajo ka leh in la soo afjaro colaadda mudada afarta sano ah u dhaxeysay ururka iyo dowladda Turkiga.

Warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka Firat News Agency — oo ah ilo warbaahineed si weyn ugu dhow PKK — ayaa lagu sheegay in go'aankan uu qayb ka yahay hindise nabadeed oo cusub oo lala damacsan yahay dowladda Ankara.

Qorshahan ayaa yimid maalmo un kadib markii PKK ay shir guud ku yeelatay waqooyiga dalka Ciraaq, halkaas oo go’aamo ay ugu yeereen “taariikhi ah” laga gaaray, sida ay sheegeen xubno sare oo ka tirsan ururka.

Firat ayaa sidoo kale sheegtay in muddadii shirka uu socday, la akhriyey bayaan uu qoray hoggaamiyaha ururka, Cabdullaahi Ocalan, oo xabsiga ku jira tan iyo sanadkii 1999. Bayaankaas ayaa lagu muujiyay aragtidiisa iyo soo jeedimihiisa ku aaddan dhameynta dagaalka.

Bishii Febraayo, Ocalan ayaa ugu baaqay ururka in uu hubka dhigo oo uu isu kala diro, isagoo sheegay in ay tahay fursad dhameystiran oo lagu joojin karo dagaalka galaaftay tobanaan kun oo naf tan iyo 1980-meeyadii.

Inkasta oo PKK ay maalmo kadib ku dhawaaqday xabbad-joojin, haddana waxay shuruudo ku xirtay kala dirista rasmiga ah, oo ay ugu muhiimsanayd in la dhiso hannaan sharciyeed oo nabad lagu gaaro, si loo xaqiijiyo in wadahadallo rasmi ah lala galo dowladda Turkiga.

PKK, oo ay Turkiga iyo inta badan waddamada Reer Galbeedka u aqoonsan yihiin urur argagixiso, ayaa muddo dheer dagaal hubeysan kula jiray dowladda Turkiga, iyadoo sheeganaysa xuquuq siyaasadeed iyo mid dhaqan oo dheeraad ah oo la siiyo dadka Kurdiya.

Tallaabadan cusub ayaa loo arkaa mid xasaasi ah, taasoo la filayo inay saamayn togan ku yeelato xasilloonida gobolka iyo dadaallada Turkiga ee lagu xoojinayo amniga gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM