Puntland iyo Hay’adaha UN-ka oo yeelanaya “wadashaqeyn toos ah”

Image
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey.

GAROWE, Puntland — Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ay  hoggaaminayso Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.

Ka dib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada, Dowladda Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa Beesha Caalamka, iyadoo Madaxweyne Deni uu la wadaagay Qaramada Midoobey Qoraalka rasmiga ah ee  Go’aanka Dowladda Puntland.

Waxaa laga wada hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay iska kaashaadaan Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha Dowladda Puntland, iyadoo la dardargelinayo wada shaqeyn toos ah.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Qaar ka mid ah xubaha Golaha Wasiirada , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM