Putin iyo Xi oo ka shiray dagaalka ka dhanka ah Reer Galbeedka

Image
Madaxwayneyaasha Ruushka iyo Shiinaha ayaa kulan ku yeeshay magaaladda Moscow.

MOSCOW, Russia - Madaxweynaha waddanka Shiinaha Xi Jinping ayaa caasimada Moscow kula kulmay dhigiisa Ruushka Vladimir Putin kaasoo warbaahinta reer galbeedka ay ku tilmaameen "saaxiibkiisa qaaliga ah".

Xi waa hogaamiyihii ugu horeeyay ee la kulma madaxweynaha Ruushka tan iyo markii maxkamada caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ay soo saartay amar lagu soo xirayo Putin.

ICC ayaa Jimcihii todobaadkii lasoo shaafay waxay sheegtey in xariga Putin uu la xiriiro masaafurinta carruurta Ukraine intii uu sanadka jirsaday duulaanka uu ku qaadey dalka ay dariska yihiin.

Wadahadalada labada madaxwayne ayaa salka ku haya dadaalo ay ku raadinayaan xoojinta xiriirka dhaqaale oo ay doonayaan in ay kaga hortagaan wax ay u arkaan "halista uga imaanaysa reer galbeedka".

Madaxwayne Xi ayaa la aaminsan yahay in dhankiisa uu si gaar ah u quudareynayo in uu kor u qaado kaalinta xukuumadda Beijing ee nabad kusoo dabaalida colaadda raagtey ee Ukraine.

Ruushka ayaa dhankiisa waxa uu u arkaa safarka hogaamiye Xi in uu caddeyn u yahay saaxiib awood badan ku leeyahay dagaalka ka dhanka ah reer galbeedka.

Putin ayaa u sheegay Xi inuu si xushmad leh u eegay soo jeedinta Shiinaha ee xallinta khilaafka Ukraine, wuxuuna sidoo kale "wax yar ka hinaasay" horumarka degdegga ah ee Shiinaha ee tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

"Shiinuhu waxa uu abuuray nidaam wax ku ool ah oo lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo xoojinta dawladnimada, aad ayuu uga waxtar badan yahay waddamo kale oo badan," ayuu tibaaxay Putin.

Socdaalka madaxwayne Xi uu ku tagay dalweynaha Ruushka ayaa waxa uu yahay booqashadiisii ugu horeysay ee dibada ugu baxo tan iyo markii uu xaqiijiyay in muddo seddexaad ah oo aan taariikhda horay loogu arag bishaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM