Putin oo booqasho uu Gaza ugu qareemayo ku tagaya dalal Carbeed

Image
Madaxweynaha Ruushka ayaa dhowr fagaare waxa uu ka cambaareeyay ficiladda Yahuuda.

MOSCOW, Russia - Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa safar hal maalin ah ku tagi doona Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga sidda uu sheegay Kremlin-ka oo bayaan rasmi ah soo saarey.

Putin ayaa safarkiisa wuxuu diiradda ku saari doonaa dagaalka Israa’iil ee Gaza, wuxuuna sidoo kale martigelin doonaa madaxweynaha Iran oo booqan doona magaalada Moscow.

"Madaxwayne Putin ayaa booqasho shaqo ku tagi doona labada dal [Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga] maalinta Arbacada," ayuu ka dhawaajiyay afhayeenka Kremlin, Dmitry Peskov.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Wadahadallada ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa xiriirka labada dal, dagaalka Israel ee Falastiin iyo arrimo kale oo caalami ah".

"Arrimaha la xidhiidha hoos u dhaca qiimaha saliidda ee hoos yimaada gaashaanbuurta OPEC+ ayaa sidoo kale noqon doona ajandaha kulanka," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Safarka Putin ayaa waxaa markii ugu horreysay Isniintii ku dhawaaqay la taliyihiisa arrimaha dibadda Yuri Ushakov, kaasoo aan sheegin taariikhda booqashooyinka mar uu la hadlayay wakaaladda wararka Ruushka ee Life.

Putin ayaa booqashadiisa ku soo aadaysa xilli Ruushku uu doonayo in uu horumariyo doorkiisa awoodeed ee colaadda bariga dhexe kaas oo uu kula xifaaltamayo waddanka Mareykanka.

Geesta kale, Putin ayaa lagu waddaa inuu Aqalka Kremlin-ka ku qaabili doona madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi Khamiista kaasoo dalkiisa ay si weyn u taageeraan kooxda Xamaas ee la dirireysa Yahuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM