Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Image
Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

Moscowْ (GO) - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay in Moscow aysan wax qorshe ah ka lahayn inay weerarto waddan xubin ka ah Ururka NATO.

Waxa uu intaa ku daray in dalkiisu aan weerari doonin Poland, ama Jamhuuriyadda Czech sida la hadal haayo, balse isla mar ahaantaana waxa uu ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, in ay soo ridi doonaan.

Putin ayaa sidoo kale ku sheegay khudbad uu u jeediyay duuliyayaasha ciidamada Cirka ee Ruushka, in NATO ay isku ballaarisay dhanka bari ee Ruushka tan iyo burburkii Midowgii Soofiyeeti 1991-kii, laakiin Moscow ayaan wax qorshe ah u haynin inay weerarto dalalka xubnaha ka ah NATO.

Waxaa xusid mudan in tan iyo markii uu billowday howlgallada militariga Ruushka ee Ukraine bishii Febraayo 2022, Ruushka uu mamnuucay adeegsiga ereyga “dagaal,” ka hor inta uusan qiran markii ugu horreysay, Jimcihii, in waddanku uu ku jiro xaalad dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM