Putin oo si rasmi ah ugu tartamaya doorashada madaxtinimada Ruushka

Image
Xukunka Putin wuxuu noqon doonaa kii ugu dheeraa ee Ruushka tan iyo qarnigii 18-aad.

Moscow (GO) - Guddiga doorashada dhexe ee dalka Ruushka ayaa si rasmi ah u diiwaangeliyay madaxweyne Vladimir Putin inuu u tartamo doorashada madaxtinimada ee soo socota.

Wakaaladda wararka ee Interfax ayaa ka soo xigatay guddiga doorashada dhexe ee Ruushka maanta oo isniin ah in magaca madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu u diiwaan gashan yahay musharrax u tartamaya doorashada madaxtinimada ee la qorsheeyay inay qabsoonto 15-ka ilaa 17-ka March.

Taageerayaasha iyo kuwa ka soo horjeedaba waxay filayaan in Putin uu ku guuleysana doono madaxtinimada Ruushka ee lix-da sano ee soo socota.

Haddii Putin uu awoodo inuu ku guuleysto qorshihiisa, xukunkiisu wuxuu noqon doonaa kii ugu dheeraa ee Ruushka tan iyo qarnigii siddeed iyo tobnaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM