Qadar oo dalab la xiriira Iran u dirtey dalalka Khaliijka

Image

DOOXA, Qatar - Qatar ayaa ku boorisay dowladaha Khaliijka inay wadahadal la galaan Iran. Soojeedintan waxay u soo bandhigtay labada dalal kadib markii Dooxa ay ku jirtey seddex sano oo go’doomin ah taasoo dhowaan ay ka saareen dalalka deriska la ah ee Carbeed.

Dooxa, oo gacansaar dhow kala Iran dhanka gaaska, ayaa sanado badan ku waanineysa dowladaha Carabta inay wadahadal la galaan Iran, oo ay ku eedeeyeen inay qalalaase ka waddo Bariga Dhexe, balse waa sheegashooyin ay Tehran beenisay.

Wasiirka arrimaha dibedda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa u sheegay Bloomberg TV oo wareysi uu sii daayay Isniinta in dowladiisu "ay ku rajo weyn tahay in tani [wadahalka] dhacdo. Waxaan wali aaminsanahay inay tani [wada-xaajoodka] dhaceyso".

"Tani sidoo kale waa rabitaan ay wadaagaan wadamada kale ee GCC [Golaha Iskaashiga Khaliijka] [wadahadal lala yeesho Iran]," ayuu yiri Sheikh Mohammed.

Dalka ay xafiiltamaan Iran ee Saudi Arabia ayaan si cad umuujinin wax rabitaan ah oo ku aadan in uu miiska wadahadalka la fariisto ee Iran.

Taa baddalkeeda, Sacuudi Carabiya ayaa bogaadiyey isu soo dhawaanshaha bishan ee Qatar taasoo la macno ahayd in qaramadda Khaliijka ay si fiican u awoodaan inay la dagaallamaan "hanjabaadaha ka imanaya barnaamijka nukliyeerka iyo gantaalaha ballistic ee taliska Iran".

Wasiirka arimaha dibada ee Doha ayaa si kooban uga faallooday wadahadalada Mareykanka iyo Iran ee hada la qorsheynayo, wuxuuna sheegay in Qatar ay fududeyn doonto wada hadaladaas hadii la waydiiyo ayna taageereyso cidii loo doorto.

"Waxaan dooneynaa waxqabadka, waxaan dooneynaa inaan aragno heshiiska dhacaya," ayuu ka yiri wadahadalada suuragalka ah in ag dhexmaraan Washington iyo Tehran. "Meel kasta oo ay joogto, cidkasta oo ay gorgortankan waddo, waanu taageeri doonnaa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo sheegtay in taageerada milatari ee Sacuudiga aysan ku jirin weerar ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay difaaci doonto dhulka Sacuudiga, balse aysan ka qeyb qaadan doonin weerarro ka dhan ah Yemen.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 11:02AM

Ilhan Omar oo sheegtay inay ka guureyso gurigeeda Washington kadib baaritaanka FBI-da

Sida ay sheegtay, baaritaanku wuxuu socday afar ilaa shan saacadood, waxaana lala baxay 17 shay oo ay ku jiraan taleefanno.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 07:51AM