Qadar oo dalab la xiriira Iran u dirtey dalalka Khaliijka

Image

DOOXA, Qatar - Qatar ayaa ku boorisay dowladaha Khaliijka inay wadahadal la galaan Iran. Soojeedintan waxay u soo bandhigtay labada dalal kadib markii Dooxa ay ku jirtey seddex sano oo go’doomin ah taasoo dhowaan ay ka saareen dalalka deriska la ah ee Carbeed.

Dooxa, oo gacansaar dhow kala Iran dhanka gaaska, ayaa sanado badan ku waanineysa dowladaha Carabta inay wadahadal la galaan Iran, oo ay ku eedeeyeen inay qalalaase ka waddo Bariga Dhexe, balse waa sheegashooyin ay Tehran beenisay.

Wasiirka arrimaha dibedda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa u sheegay Bloomberg TV oo wareysi uu sii daayay Isniinta in dowladiisu "ay ku rajo weyn tahay in tani [wadahalka] dhacdo. Waxaan wali aaminsanahay inay tani [wada-xaajoodka] dhaceyso".

"Tani sidoo kale waa rabitaan ay wadaagaan wadamada kale ee GCC [Golaha Iskaashiga Khaliijka] [wadahadal lala yeesho Iran]," ayuu yiri Sheikh Mohammed.

Dalka ay xafiiltamaan Iran ee Saudi Arabia ayaan si cad umuujinin wax rabitaan ah oo ku aadan in uu miiska wadahadalka la fariisto ee Iran.

Taa baddalkeeda, Sacuudi Carabiya ayaa bogaadiyey isu soo dhawaanshaha bishan ee Qatar taasoo la macno ahayd in qaramadda Khaliijka ay si fiican u awoodaan inay la dagaallamaan "hanjabaadaha ka imanaya barnaamijka nukliyeerka iyo gantaalaha ballistic ee taliska Iran".

Wasiirka arimaha dibada ee Doha ayaa si kooban uga faallooday wadahadalada Mareykanka iyo Iran ee hada la qorsheynayo, wuxuuna sheegay in Qatar ay fududeyn doonto wada hadaladaas hadii la waydiiyo ayna taageereyso cidii loo doorto.

"Waxaan dooneynaa waxqabadka, waxaan dooneynaa inaan aragno heshiiska dhacaya," ayuu ka yiri wadahadalada suuragalka ah in ag dhexmaraan Washington iyo Tehran. "Meel kasta oo ay joogto, cidkasta oo ay gorgortankan waddo, waanu taageeri doonnaa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM