Qadar: Waa in la baaro dambiyada dagaal Israa'iil ka geysatay Gaza

Image
Dooxa ayaa dhexdhexaadisay xabad-joojin socotay todobaad taasoo lagu isku-dhaafsadey maxaabiis.

DOOXA, Qadar - Ra'iisul wasaaraha Qatar ayaa sheegay in dalkiisa uu ku baaqayo "baaritaan caalami ah oo degdeg ah, dhamaystiran oo dhexdhexaad ah" oo lagu sameeyo waxa uu ugu yeeray dambiyada Israel ka geysaneyso Gaza.

Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa sidoo kale u sheegay Al Jazeera Axadii in Qatar ay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aadan fududeynta heshiis kale iyo in xabad joojin joogto ah laga gaaro go’doominta Gaza.

Heshiis xabad joojin ah oo dhexmaray Israa’iil iyo Xamaas oo muddo toddobaad ah – oo ay garwadeen ka ahayd Qatar oo taageero ka helaysa Masar iyo Maraykanka – ayaa horseeday in la sii daayo 80 maxaabiis ah oo Israa’iili ah oo lagu beddelo 240 maxaabiis falastiiniyiin ah.

Xabbad-joojintu waxay dhammaatay Jimcihii, iyadoo labada dhinacba ay is-weedaarsadeen eedaymo xooggan oo ku saabsan inay jabiyeen shuruudaha heshiiska.

Tan iyo Jimcihii, Israa’iil waxa ay xoojisay weerarrada ay ku hayso Qaza, iyadoo sarkaal ka tirsan warbaahinta dowladda uu Al Jazeera u sheegay in 700 oo falastiiniyiin ah lagu dilay weerarrada Israa’iil 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Dhanka kale, dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC), Karim Khan, ayaa ugu baaqay Israa’iil iyo Xamaas inay u hoggaansamaan shuruucda caalamiga ah, isagoo sheegay in xafiiskiisu uu sare u qaadi doono baaritaannada lagu hayo dembiyada dagaal ee suurtagalka ah.

Israa'iil, oo aan xubin ka ahayn ICC, ayaa horay u diiday awoodda maxkamadda oo si rasmi ah ulama xiriirin. Tani waxay u sahlaysaa Yahuuda in ay sii waddo beegsiga dadka Falastiin iyadda oo aan la walwaleyn in lagu soo oogo dambiyo dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM